Ministry of Commerce Industries and Investment North-eastern State of Somalia Fri, July 17 2026
WASIIRKA WASAARADDA GAMACSIGA XFS OO BOOQASHO KU TAGEY WASAARADDA GANACSIGA DOWLAD GOBOLEEDKA WAQOOYI BARI

WASIIRKA WASAARADDA GAMACSIGA XFS OO BOOQASHO KU TAGEY WASAARADDA GANACSIGA DOWLAD GOBOLEEDKA WAQOOYI BARI

𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝, 𝟏𝟖 𝐣𝐚𝐧 ,𝟐𝟎𝟐𝟔 𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐆𝐀𝐍𝐀𝐂𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐊𝐔 𝐓𝐀𝐆𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐆𝐀𝐍𝐀𝐂𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐖𝐀𝐐𝐎𝐎𝐘𝐈 𝐁𝐀𝐑𝐈 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐉𝐚𝐦𝐚𝐥 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧 ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha Iyo Maalgashiga WB halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Waqooyi-Bari 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐰𝐚𝐥𝐢 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 . Waxaa sido kale kulanka qayb ka ahaa Xildhibaan Camo oo katirsan Baarlamanka waqooyi Bari . Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka labada wasaaradood, mideynta siyaasadaha ganacsiga, is-waafajinta sharciyada iyo habraacyada la xiriira ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga, iyo sidoo kale kor u qaadista doorka ay wasaaraduhu ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka. Ugu dambayn, labada wasiir waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la sii amba-qaado wada-shaqeynta dhow ee u dhaxaysa labada wasaaradood. 𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃- ______________ ❝𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗪𝗮𝗿𝗳𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗶𝗱𝗵𝗶𝗶𝗱𝗵𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗲𝗲 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 & 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗴𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐢 𝗘𝗺𝗮𝗶𝗹:𝗺𝗰𝗶𝗶@𝗸𝗵.𝘀𝗼 📞 754850❞ 𝐅𝐚𝐜𝐛𝐨𝐨𝐤 : https://www.facebook.com/profile.php?id=61584245666698 𝐓𝐈𝐊𝐓𝐎𝐊: https://www.tiktok.com/@wasaaradda_ganacsiga?_r=1&_t=ZM-91iUa5rrzY0