Ministry of Commerce Industries and Investment North Eastern State of Somalia Fri, April 17 2026
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga W&M oo qay ka ahaa munaasibadda soo dhowaynta markabka shidaalka ka qodaya soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga W&M oo qay ka ahaa munaasibadda soo dhowaynta markabka shidaalka ka qodaya soomaaliya.

April 9, 2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha Iyo Maalgashiga Dowladda Waqooyi Bari 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐰𝐚𝐥𝐢 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu soo dhaweynayay Markabka Çağrı Bey oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho. Wasiirka ayaa waxaa weheliyay wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta masiiboyinka 𝐄𝐧𝐠 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐢𝐫𝐢𝐞 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐡 (shariif) Wasiirka wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda 𝐦𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐢𝐥 𝐬𝐡 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐡, Wasiirka Wasaaradda beeraha iyo Horumarinta reer miyiga 𝐦𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐤𝐚𝐫𝐞𝐦 𝐃𝐞𝐲𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢, Xildhiban 𝐉𝐢𝐛𝐫𝐢𝐥 𝐀𝐰 𝐀𝐥𝐢 iyo xubno kale oo Safar shaqo u Joogey Magaalada muqdisho ayaa ka qayb galay munaasabadda lagu soo dhaweynayey markabka Çağrı Bey, kaas oo dhawaan ka bilaabaya Qodista shidaalka dalka. Wasiirka ayaa si gaar ah u iftiimiyay Muhiimadda istaraatiijiga ah ee horumarinta iyo soo saarista shidaalka, isaga oo xusay doorka weyn ee ay ka ciyaari karto koboca dhaqaale ee dalka. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay hodan ku tahay khayraad dabiici ah, gaar ahaan shidaalka (saliidda iyo gaaska), kuwaas oo laf-dhabar u noqon kara horumar dhaqaale oo waara. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari uu door muhiim ah ka qaadan karo dadaallada shidaal baarista iyo qodista ee ka bilaabanaya dalka Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in deegaannada Waqooyi Bari ay ka mid yihiin goobaha la filayo in laga hirgeliyo ceelal shidaal, taas oo ka dhigaysa meel istaraatiiji ah oo laf-dhabar u noqon karta horumarinta warshadaha shidaalka ee dalka .